oohh, nana na naa
Hadan Laabkici shalayto lahayd,
Ladh beena ku soo ka leexo lahayd,
Laciif weeyaan hadaad is lahayd,
Oo aad ladaneey dan gaara lahayd,
Adaa is luree miyaad war la'ayd,
Oh yeah ... Oh yeah
Lugooyo hadad u geyso lahayd,
Ladnaanta hadad ka laaso lahayd,
Sunta laaqdeed dhansii is lahayd,
Adaa liqliqee sideed wax lahayd
Kooris
Hadad ladaneey xiskayga lahayd,
Laabtayda hadad ardaa ku lahayd,
Oo aad lahashiyo karaamo lahayd,
Laxawga intaad ku liinbax lahayd,
Ayuu laalmayee maxad is lahayd
Baydka labaad:
Dhaxaaad is lushee hadad is lahayd,
Dartaa ha lumee saar leexo lahayd,
Waa layliyoo wa labeen dhalayd,
Oo uu laqayoon aad hoos u lahayd,
Imay legdin beentii shaadhka lahayd,
Oh yeah ... Oh yeah
Lacbaad aragtood u dhaayo lahayd,
Lagbaase ag yaal miyaad is lahayd
Lug baa faras dhaafi baad is lahayd,
Liibaanee kumaad lugoo is lahayd.
Kooris
Hadad ladaneey xiskayga lahayd,
Laabtayda hadad ardaa ku lahayd,
Oo aad lahashiyo karaamo lahayd,
Laxawga intaad ku liinbax lahayd,
Ayuu laalmayee maxad is lahayd
Comments (0)